Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhismahan cusub oo noqon doona mid casri ah ayaa beddeli doona xaruntii hore ee la dhisay sanadkii 1980, waxaana ujeeddadiisu tahay in uu daboolo baahiyaha shaqo iyo waajibaadka Wasaaradda Maaliyadda, si waafaqsan kobaca iyo ballaarinta howlaha maaliyadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tallaabadani ay qeyb ka tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah. Waxa uu tilmaamay in dhismahani uu si weyn uga qeyb qaadan doono fududeynta howlaha shaqo ee wasaaradda ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu yareyn doono ciriirigii ka jiray xafiisyada iyo goobaha shaqada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuuna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo dhammaan bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga.
“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigno xarun dhexe oo badqabkeeda iyo tayadeeda si buuxda loo hubiyay, loona qalabeeyay si heer sare ah. Marka uu dhismahani dhammaado, waxa uu yeelan doonaa xafiisyo ay ku howlgeli doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda. Waxaan idiinku hambalyeynayaa tallaabadan wanaagsan ee aad u qaadday tayeynta adeegga,” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa qaabka xafiisyada loo dhisi doono, iyadoo la hubiyay badqabka deegaanka, adeegsiga tamarta, iyo helitaanka koronto joogto ah. Dhismaha xaruntan cusub waxaa gacan ka geysanaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), oo door muhiim ah ka qaata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.






