Axad, May 11, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban wasiirro, maamulka gobollada, iyo hay’adda SoDMA, si ay uga jawaabaan saameynta roobab ka da’ay Muqdisho.
Guddigan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah goobaha uu waxyeeleeyay roobka.
Ra’iisul wasaare ku xigeen Jibriil ayaa sheegay in roobabku ay sababeen khasaarooyin naf iyo maal leh, ayna si weyn u saameeyeen ganacsiga iyo isu socodka magaalada.
Wuxuu u mahadceliyay hay’adaha iyo shaqaalaha gurmadka sameeyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay in ay kaalinteeda ka qaadato maareynta khasaaraha iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay.



