Ruushka iyo Shiinaha oo isku raacay in ay dal-ku-gal la’aan isku safraan.

0
12

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa Isniintii saxiixay wareegtomuwaadiniita Shiinaha u oggolaanaysa in ay fiise la’aan ay ku soo galaan dalka Ruushka.

Dadkaas waxa qayb ka ah dalxiisayaasha, ganacsatada, aqoonyahannada, fanaaniinta iyo ciyaartooyda.Putin iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo istaraatiiji ah oo lagu magacaabo “bilaa xuduud” ka hor intii aan tobanaan kun oo askari loo dirin Ukraine bishii Febraayo 2022, tan iyo markaasna Ruushku wuxuu si weyn ugu tiirsanaa in uu wax kala soo dego Shiinaha si uu ula tacaalo cunaqabateynta reer Galbeedka.

Wareegtada Putin waxay sheegtay in go’aankiisu ku salaysnaa tallaabada Shiinaha ee ah ee ah in ay fududeeyeen in fiiso-la’aanta ay ku soo galaan qaybo kala duwan oo muwaadiniinta Ruushku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here