Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Ruushka ayaa sheegay in uu sii wadayo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Iran
Ruushka waxay sheegen in aysan jirin sabab ay u jaraan xiriirka ganacsi ay la leeyihiin Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa shir jaraa’id ka sheegay si kasta oo ay ji raan hanjabaadaha canshuuraha uu ku soo rogayo Mareykanka saaxiibada iran hadana Moscow way sii wadeysaa xiriirka ganacsi ay la leedahay Iran hadii ay u aragto in ay haboon tahay
“Go’aanka ganasigeena anaga ayaa iska leh. Qorshooyin wanaagsan ayaa nagala dhexeeya Iran, ganacsi oo kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaan la leenahay maalgashi.
Warshadda korontada ee Bushehr ayaan hadda kala shaqeyneynaa. Waxaan kala shaqeyneynaa qeybaha ugu muhiimsan ee marinka waqooyiga iyo koonfurta ee isku xiri doona Iran, Ruushka iyo Azerbaijan”.
Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in dalalka la leh xiriirka ganacsi Iran la saarayo canshuur gaareysa 25 boqolkiiba ganacsi ay la leeyihiin Mareykanka






