Ruushka oo sheegay inay Afrika ay wajahayso faragelin aan xad lahayn.

0
5

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ruushka ayaa maanta sheegay inay Afrika wajahayso faragelin aan xad lahayn, taa oo lagu sheegay inay khatar gelinayso mustaqbalka qaaradda, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT ,

Wasaaradda arrimaha dibadda Wadanka Ruushka usoo jeedisay ururrada Afrika sida Midowga Afrika inay qaataan doorkooda oo xal Afrikaan oo lagu raadinayo xalka dhibaatooyinka qaaradda, iyadoo si gaar ah loo xusay qalalaasaha ka taagan bariga dalka DR Congo oo salka ku haya awoodda lagu raadinayo xukunka dhulka macdanta leh, wuxuuna Ruushku sheegay in meel kasta oo khayraad ku jiro hadda ay wajahi karaan qalalaase aysan xakameyn karin.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa hadda isku ballaariya meelaha macdanta leh ee Afrika , halka uu Ruushka ka maqanyahay, maamulka dhulka macdanta leh ee qaaradda, balse wax kasta oo hadda ay wajahayso qaaradda wuxuu Ruushka ku sheegay arrin ugu dambeyntii dalalka gelin karta burbur ka dhalanaya muranka iyo qalalaasaha ay ku furayaan dalalka danaha ka leh oo doonaya inay xaaladda uga faa’iideystaan dhinacyo aan awood badan lahayn oo dano gaarka ah leh inay awood u siiyaan gacan ku heynta dhulka khayraadka leh, arrin hadda qaaradda ku fideysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here