Talaado 16 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa maanta booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Venezuela,
Booqashadan ayaa ka dhigan sarkaalkii u sarreeyay oo ka baxsan Mareykanka oo afgambiyay maamulkii Venezuela, oo booqanaya dalkaa, iyadoo aan wali la bixin faahfaahin la xiriirta booqashadan.
Dowladda Qatar ayaa muddo dhex dhexaadinaysay Mareykanka iyo Venezuela, waxayna ka mid tahay dalalka doorka ku leh isbeddelada ka dhacaya dalkaa ee Mareykanka uu gacanta ku hayo.






