spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS RW Xamsa “Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa astaan...

RW Xamsa “Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa astaan u ah lixdan sano.

0
19

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa astaan u ah lixdan sano oo saaxiibtinimo, iskaashi iyo wax-wadaqabsi ah.”

Muqdisho, Arbaco 29 Oktoobar 2025 :— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011 — xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here