spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Saadaq Joon oo mar kale kursigiisa Xildhibaannimo soo ceshanaya ?

Saadaq Joon oo mar kale kursigiisa Xildhibaannimo soo ceshanaya ?

0
27

Axad , 24 Aug 2025 {HMC} Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , waxaa goordhaw gaaray Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Joon), oo horey usoo noqday xildhibaan iyo taliye kuxigeenka Hay’adda Nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya .

Sida aan xogta ku heleyno Saadaq Joon , ayaa magaalada Dhuusomareeb u aaday sidii uu mar kale dib ugu soo ceshan lahaa kursigiisa xildhibaannimo uu ka tagay markii loo magacaabay in uu noqdo taliye kuxigeenka Hay;adda Nabbadsugidda Soomaaliya.

Kursiga xildhibaannimo ee Sadaaq Joon ka tagay , ayaa bilo kahor waxaa loo doortay oo ku fariistay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo laga soo daayay xabsi kuyaalla Yurub uu sanado badan ku xirnaa, iyada oo loo heestay in uu kamid ahaa burcad-baeeda Soomaalida.

Saadaq Joon, ayaana markii hore la sheegay in Afweyne kursiga ugu sii dhiibtay in uu ugu sii fadhiisto inta uu xilka hayo, waxa uuna hadda ka dalbaday in uu iska casilo kursiga xildhibaannimo dibna ugu soo laabto Saadaq Joon , oo hadda ah bannaan yaal aan wax xil ah heyn.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaana la sheegay in uu ka shaqeeyay in Saadaq Joon kursigiisa dib loogu soo celiyo, waxaana Dhuusomareeb lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho ku sheeg mar kale Saadaq Joon dib loogu soo dooranayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here