Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Subaxdii dhaaweys ee qaboobaha magaalada Panna, oo ah gobolka laga qodo dheemanka ee bartamaha Hindiya, laba saaxiibaa ahaa ilaa caruurnimadoodii ayaa sameeyay daahfurka ay u malaynayaan in ay noloshooda beddeli karaan weligood.
Satish Khatik iyo Sajid Mohammed waxay dhagax weyn oo dhalaalaya si lam filaan ah uga heleen dhul ay kireysteen toddobaadyo ka hor.
Markii ay dhagaxa geeyeen halka lagu qiimeeyo dheemanka rasmiga ah ee magaalada, waxay ogaadeen inay heleen dheeman tayo leh oo dhan 15.34-carat – mid ka mid ah noocyada ugu fiican ee dheemanka dabiiciga ah ee jira.
“Qiimaha suuqa ee dhagaxa ayaa lagu qiyaasay shan ilaa lix milyan oo rupees [$ 55,000 – $66,000] dhawaana ayaa la xaraashayaa,” Anupam Singh, oo ah qiimeeye dheemanka, ayaa u sidaasi sheegay Laanta BBC Hindi.
Dawladdu waxay qabataa xaraashka saddexdii biloodba mar, iyada oo soo jiidata iibsadayaasha Hindiya iyo dalka dibaddiisa si ay u dalbadaan dheemanka.
“Qiimaha la qiyaasay waxay ku xiran yihiin heerka dollarka iyo halbeegyada ay dajisay warbixinta Rapaport,” ayuu yiri Mr Singh. Rapaport waxaa si weyn loogu tixgaliyaa inay tahay hay’ad hormuud u ah falanqaynta suuqa dheemanka iyo dahabka.






