Sabti 1, Nov 2025 {HMC}Â Puntland ayaa ciidamo Booliis ah oo cusub oo dhawaan la tababaray u soo saartay gaadiid cusub oo leh astaan faras & midabka calanka Puntland ee buluug, cagaar & caddaan.
Puntland waxaa ay badashay Asaantii ay lahaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ahyed Goodirka waxana ay ku badaleen astaan faras ah iyo midabka calanka Puntland.
Badalista Astaanta Booliska ayaa timid kadib markii Ciidamo Cusub lagu wareejiyay Amaanka Magaalooyinka Puntland.
Inkasta oo weli aan digreeto rasmi ah lagu soo saarin beddelista astaamaha Booliska, haaddana waxa ay saraakiisha dowladdu tilmaamayaan in laga guurayo astaantii Goodirka oo weligood ay lahaayeen guud ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.






