Sacuudiga iyo Iiraan oo ka heshiiyay mowqifkooda arrimaha dalka Yemen.

0
23

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Sacuudiga iyo Iiraan, waxay maanta ku gaareen magaalada Tehran ; heshiiskii u horreeyay oo lagu mideynayo mowqifkooda arrimaha dalka Yemen , intaa waxaa dheer inay gaareen heshiis iskaashi oo meesha looga saarayo kala shakiga,iyadoo heshiiskan u dammaanad qaaday Shiinaha.

Si fudud Sacuudiya, Iran iyo Shiinaha waxay xaqiijiyeen taageeradooda xalka siyaasadeed ee dhammeystiran ee Yemen, xilli ciidanka uu Imaaraadku taageerrayo ay iskudayayaan inay la wareegayaan gobolka xadduudda Sacuudiga la leh ee Hadhramaut, halkaa oo ay doonayaan in laga dhiso dawlad ka madax bannaan inta kale ee Yemen, xaalad uu khatar amni u arko Sacuudiga!

Dhinaca kale Madaxweynaha Eritrea,Isaias Afwerki ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, isagoo martiqaad rasmi ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salman.

Wadahadallo ay labadaa hoggaamiye yeelanayaan, waxaa diiradda lagu saarayaa maalgashiga Sacuudiga ee dekedda Casab iyo xaaladda Suudaan , halkan si la mid ah Yemen , waxaa dagaalka in ka badan labada sanno socda ee Suudaan guulo istaraatiji ah gaaraya kooxda RSF ee lagu eedeeyo Imaaraadku inuu taageero, waxaana hoos u dhacay awoodda ciidanka milatariga Suudaan oo xiriir la leh Sacuudiga.

Si cad loollanka aamusan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka , wuxuu gaaray halkii u sarreeyay , wuxuuna Sacuudiga si bannaan yaal ah u doonayaa

inuu dheelitiro awoodda badda cas ee Imaaraadka , horey wuxuu ula wareegay deked ku taal Jabuuti, markan wuxuu ku sii jeedaa Casab ; haddii rabbi idmo waxaan berri baahin doonaa macluumaad iyo fallanqeyn arrimahan la xiriirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here