Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Boqortooyada Sacuudiga ayaa isku diyaarinaysa inay si tartiib ah hoos ugu dhigto xoolaha ay ka soo iibsato dibadda, tallaabo si toos ah mustaqbalka u taaban doonta dalalka xoolaha u dhoofiya Sacuudiga, gaar ahaan Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee xoolaha looga dhoofiyo.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah istaraatiijiyadda Sacuudiga ee ku wajahan gaarista isku-filnaansho dhinaca cunnada ah.
Si himiladan loo hirgeliyo, Sacuudigu wuxuu ballaariyay mashruuc lagu dhisayo xarunta ugu weyn xoolaha ee bariga dhexe, mashruuc markii hore horraantii sannadkan lagu qiyaasay in lagu maalgeliyo 2 bilyan oo doolar, balse hadda lagu kordhiyay ilaa 9 bilyan oo doolar. Sida ay baahisay Saudi Expatriates, mashruucan oo laga hirgelinayo magaalada Hafr Al-Batin ayaa isugu jira xarumo casri ah oo lagu horumarinayo taranka xoolaha, warshado wax-soo-saarka hilibka ah oo wajigiisa koowaad dabooli doona 30% baahida hilibka cas ee Boqortooyada, iyo sidoo kale xarumo maalin kasta soo saari doona ilaa 140,000 litir oo caano ah.
In ka badan 13,000 oo shaqaale ah ayaa la filayaa inay wajiga koowaadba ka howlgalaan mashruucan, iyadoo Sacuudigu u arko tallaabadan mid muhiim u ah yareynta ku-tiirsanaanta xoolaha dibadda laga soo dhoofiyo, islamarkaana xoojinaysa amniga cunnada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.



