spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Sacuudiga oo ku dhawaaqay in uu heshiisyo maalgashi ah uu la gaaray...

Sacuudiga oo ku dhawaaqay in uu heshiisyo maalgashi ah uu la gaaray dawladda Suuriya.

0
4

Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa maanta ku dhawaaqay inuu heshiisyo maalgashi oo dhaqaalaha ugu badan uu ku bixinayo la gaaray dawladda Suuriya.

iyadoo Sacuudiga uu maalgelinayo diyaarad wadajir ah ay u yeelanayaan Sacuudiga iyo Suuriya , dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah oo laga dhisayo magaalada Xalab , maalgelin ku kacaysa hal bilyan oo dollar oo lagu sameynayo isgaarsiinta Suuriya , si Dimishiq ay u noqoto xarunta isgaarsiinta ee isku xirta Aasiya iyo Yurub.

Heshiisyadan waxaa kaloo ku jira mashruuc lagu hirgelinayo in dhammaan dalka Suuriya ay dadweynaha heli karaan biyo macaan , oo weheliyaan maalgelinta hantida ma guurtada ah si Suuriya looga helo magaalooyin leh dhismayaal casri ah oo soo jiidan kara dalxiisayaasha.

Dhammaan heshiisyadan ayaa maanta lagu saxiixay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, sida ay werisey AP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here