Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo Shaqaalaheeda Ka Mamnuucday Aagga Safaaradasi

0
3

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Djibouti City ayaa soo saartay digniin amni oo cusub, iyadoo uga digtay shaqaalaheeda iyo muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan aagga ku dhow safaaradda iyo saldhigga milatari ee Camp Lemonnier, kadib xiisado amni oo ka jira gobolka.

War-saxaafadeed ay safaaraddu soo saartay 10-ka Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in badbaadada muwaadiniinta Mareykanka ay tahay mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Safaaraddu waxay sheegtay in sababo la xiriira xiisadaha gobolka iyo hanjabaado loo jeediyay danaha Mareykanka, shaqaalaha safaaradda lagu amray inay ka fogaadaan aagga safaaradda iyo Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Afrika.

Safaaradda Mareykanka ee Djibouti waxay sheegtay in Ballamihii caadiga ahaa ee qunsuliyadda la joojiyay, sidoo kale Shaqaalaha safaaradda la dhimay tiradooda gudaha xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, safaaraddu weli way shaqaynaysaa si ay adeegyo degdeg ah ugu fidiso muwaadiniinta Mareykanka.

Safaaraddu waxay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Jabuuti kula talisay in ay La socdaan wararka gudaha iyo kuwa caalamka, Kana feejignaadaan fariimaha digniinta ee shirkadaha isgaarsiinta iyo meelaha ay ciidamada ama amnigu ku badan yihiin.

Digniintan cusub ayaa imaneysa iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here