Isniin, 18 August 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo aay wehliyaan gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim cabdulle, gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar cismaan Calasoow, mayarka magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax maalin, ayaa kulan wadajir Ah la yeeshay wafdi uu hogaaminayay safiirka Jamuuriyada Djibouti u fadhiya Somalia Ambassador Maxamed Rashiid.
Kulanka oo looga hadlay qodobo muhiim ah ayaa Diiradda lagu saaray xaaladaha arimaha Bini’aadnimo ee ka jiro gobalka hiiraan Dadaalada Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, amniga Gudaha iyo adkeeynta xasiloonida magaalooyinka Xurta ah si gaar ah kuwa aay ka howlgalaan Ciidamada reer jabuuti ee Hiil walaal, sida Beledweyn, Buulaburte iyo Jalalaqsi, iyo sidii door Xoogan aay uga qaadan lahaayeen howlagaladda ka dhanka ah khawaarijta iyo adkeeynta amniga.
Safiirka Jamuuriyada Djibouti ayaa Ballanqaaday in Dowladda Jabuuti iyo Shacabkeeduba ay garab taaganyihiin shacabka rer hiiraan taas oo xiliyo kala duwan oo adag aay garab u aheeyen walina u Ahaan doonaan si loo xoojiyo amniga iyo hormarinta bulshada dagaalka kula jiro kooxaha argagixiso.
Ugu dambeeyn gudoomiyaha gobalka hiiraan ayaa Kaga mahadceliyay Safiirka Dowlada Jabuuti Booqashadiisa shaqo ee uu ku soo gaaray Magaalada beledweyne ee xaruunta Gobalka Hiiraan ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, asigoo kaga mahadceliyay Dowlada Jabuuti iyo Shacab keeda sida xiliyada adag aay garab’istaagida ugu mujiyeen shacabka reer Hiiraan .





