Isniin 06 Jan 2026 {HMC} Safiirka Mareykanka u fadhiga Qaramada Midoobay, Mike Waltz ayaa hadal uu ka jeediyay fadhiga golaha ammaanka wuxuu ka hadlay howlgalkii Mareykanka ka fuliyay Venezuela, wuxuu yiri ;
“Tani waa Galbeedka Qaaradda Ameerika; waa halka aan ku noolnahay, mana oggolaan doono in Galbeedka Qaaradda Ameerika loo adeegsado saldhig hawlgallo ay ka fuliyaan cadawga,tartamayaasha iyo kuwa la loolamaya Mareykanka.
Sidoo kale suurtagal ma aha in kaydka tamarta ugu weyn dunida ay sii ahaadaan kuwo gacanta ugu jira cid ka soo horjeedda Mareykanka.”






