Saldhigyo ay la haayeen Kooxda RSF oo Gantaalo culus lagu garaacay.

0
19

Arbaco 11, June 2025 {HMC} Ciidamada milatariga Wadanka Suudaan, ayaa xoojiyay weerarada dhinaca cirka ah uu ku beegsanayo saldhigyada ay leeyihiin ciidamada gurmadka degdegga ee RSF, kuwaa oo dagaallo culus kula jira ciidanka milatariga talada dalka Sudan haya.

Diyaaradaha dagaalka milatariga Sudan, ayaa galinkii dambe ee maanta gantaallo culus waxa ay ku garaaceen saldhigyo ay ciidanka RSF ku leeyihiin xadduuda saddex-xagalka ah ee u dhaxeysa dalalka Suudaan, Masar iyo Liibiya.

Warbaahinta ku hadasha afka milatariga Dalka Sudan, ayaa ku warrantay in duqeymaha lagu garaacay saldhigyada RSF lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan, waxa ayna xuseen in la burburiyay hub ,sidoo kale duqeynta lagu dilay askar daacad u ah RSF.

Saldhigyada milatari oo ay lahaayeen Kooxda RSF lana duqeeyay, ayaa la sheegay in kooxda ay ka heleysay hub iyo dagaalyahanno u dhashay Liibiya oo ka dhinac dagaallamaya, kuwaa oo walaac hor leh ku abuuray ciidanka milatariga Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here