Sanad kadib Doorashadii Axmed Madoobe sidee loo kala maamulaa degmooyinka gobolka Gedo.?

0
25

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Gobolka Gedo waxa uu ka tirsan dawlad goboleedka Jubaland, waxa uuna ka kooban yahay todoba degmo. Muddadii sanad ka ahaa ee uu taagnaa khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland waxa uu loollan adag ku dhexmaray labada dhinac oo midba midka kale uu doonayay in uu ka fara maroojiyo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo waxa gacanta ku haya maamulka gobolka ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka.

Degmooyinka Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq waxaa maamula wakiillada Jubaland ee gobolka Gedo.

Magaalooyinka qaar dagaal la isugu awood sheegtay ayaa ka dhacay sida Beledxaawo, Baardheere iyo Doolow.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka Cabdillaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa BBC-da u sheegay in inta badan gobolka uu hoos tago maamulkiisa.

“Gobolka inta badan dee sidii madaxweyne Axmed Madoobe uu mar labaad isugu caano shubay si sharci daro ah, gacanta dawladda ayuu inta badan ku jiray, marka waxa jira degmo Doolow la yiraahdo oo inta badan ay itoobiyaanku gacanta ku hayaan, marka meelahaasi saraakiishiisa iyo madaxda uu soo diro ayay tagtagaan, marka Ceelwaaqna horey gacanta waxay ugu jirtay oo awalba iska ahayd Jubaland, in kastoo aanay waxba ku qabin,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Aragtidaas mid ka duwan waxa qaba gudoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Al-qaadi, waxa uu rumeysan yahay in degmooyinka qaar wali la isla joogo.

“Gedo degmooyinkeeda marka wax yar laga reebo waxa gacanta ku haysa Jubaland, oo wax hadda federaal ama dawladda Muqdisho ay gacanta ku wada hayaan ma jiro, meel walba ciidan baa isku horfadhiya, marka Khalkhal iyo dhibaato ma ogiye wax ay ka faa’iideen weerarka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen gobolka midna ma jirto, hal degmo oo ay 100% maamulaan gabi ahaanba ma jirto” ayuu yiri Al-qaadi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here