Saraakiil ka tirsan kooxda AS oo lagu dilay Gedo

0
20

Talaado 06 Jan 2026 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Ceel Cilaan oo qiyaas ahaan 30 KM dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegau in howlgalka oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay ciidamadu ku dileen 5 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xubnaha howlgalkan lagu dilay ayaa la tilmaamay iney ahaayeen kuwa si weyn dhibaato ugu haayay dadka shacabka ah ee ku deegaanka Ceel Cilaan ee gobolka Gedo.

Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka waxaa sido kale lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay kooxdu ku laheyd deegaankaas oo ay kasoo abaabuli jireen falalka amni daro.

Howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan qaar ka mid ah deegaanada gobolada dalka oo ay ku doonayaan iney guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka kaga ciribtiraan Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here