Saraakiil Sar Sare oo Turki ah oo ku dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Georgia

0
23

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Diyaarad xamuul oo militari oo nooca C-130 ah oo lagu waday inay dib ugu laabato Turkiga, ayaa ku burburtay xadka Georgia iyo Azerbaijan.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa ku dhawaaqday, in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.

Hay’adda duulimaadka ee Georgia ayaa sheegtay in diyaarad militari oo Turki ah ay ka luntay raadaarka “iyadoo aan bixin wax digniin ah.”

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa sidoo kale sheegtay, in la helay burburka diyaaradda xamuulka ee militri ee burburtay, waxaana sababta burburka diyaaradda lagu ogaan doonaa baaritaan qoto dheer oo ay sameeyeen kooxda baaritaannada shilalka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa tacsi u diray dadkla ku waxyeeloobay shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here