Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil , Thomas Adzegaouskas oo toddobaadkii hore is dilay , ayaa hadda la soo bandhigay qoraal uu reebay inta uusan is dilin, sida uu baahiyay wargeyska Haaretz;
“7 Oktoobar waa maalintii nolosheyda burburisay, oo baabi’isay qofkii aan ahaa.Waan ka daalay, waxaan noqday qof naftiisa ay burbur iyo dhaawac ay gaartay.
Waxyaalo aan cafis lahayn ayaan sameeyay, mana sii noolaan karo anigoo xusuustaas la nool.
Qofna ima fahmayo.Waxaa iga dhex jira ‘jinni’ iga daba ordaya tan iyo 7 Oktoobar. Fadlan i ilaawa, oo xusuusta Thomas kii ahaa taliyaha iyo madaale (sniper commander).
Thomas-kaas wuu dhintay Oktoobar 7, waxaa haray oo keliya naf raadineysa nabad.
Laba sanno ayaan la noolaan kari waayay sida ay noloshaydu tahay, waxaana qaatay go’aan aan nafta isku dhaariyay si aan u nasto.”






