Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, Maxamed Nazzal ayaa u sheegay Reuters in kooxda ay qorsheyneyso inay sii hayso ammaanka Qasa inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, isla markaana “aysan awoodin inay ballan-qaaddo in ay hubka dhigeyso.”
Markii la weydiiyay haddii Xamaas ay hubka dhiibi doonto, Nazzal wuxuu ku jawaabay: “Ma oran karo haa ama maya. Waxay ku xiran tahay mashruuca. Maxay ka dhigan tahay hubka dhigistu? Yaa loo gacan gelinayaa hubka?”
Horey Xamaas waxay ku xirtay si ay hubka u dhigto in la dhiso Dawlad Falastiin oo madax bannaan, taa oo ay sheegeen inay ku wareejinayaan hubka, dagalayahannada ku darayaan ciidanka Qaranka Falastiin.






