Axad, 26,October 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Ruushka,Sergey Lavrov oo loo aqoonsanyahay diblomaasiga ugu khibrada sarreeya oo xilkan haya 21 sanno, ayaa waraysi uu bixiyay wuxuu ku sharraxay waxa ay ka dhigantahay xabbad-joojin, isagoo ka hadlaya dagaalka Ukraine iyo soo jeedinta reer galbeedka ,wuxuu yiri”
“Marka dadku maanta yiraahdaan xabbad-joojin waan ognahay inay rabaan oo keliya inay mar kale waqti helaan. Fikraddan, oo si qoto dheer ugu jirta maskaxda Zelensky, waa mid uu qof kasta oo si daacad ah u fiirsada si fudud u fahmi karo.”
Dowladda Ruushka, wuxuu ku adkaysanaya heshiis dhammeystiran, mar kastana Putin ayaa diidda in bilowga la sameeyo xabbad-joojin si heshiis loo diyaariyo, tani waa sababta Qasa ay uga soo laabanayaan dagaallada..






