Shacabka Muqdisho oo saaka u dareeray Doorasho Qof & Cod ah

0
24

Khamiiis 25, Dec 2025 {HMC}Waa aroor uga duwan dadka Muqdisho subaxyo badan oo soo maray, Dadka ku nool Caasimadda ayaa saaka u dareeray Doorasho qof iyo cod ah oo ay ku dooranayaan Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Muqdisho waa Bandoow, waxaa xiran Waddooyinka, Goobaha Ganacsiga, Waxbarshada, Ilaha Dhaqaalaha sida Garoonka & Dekedda sabab la xiriirta Doorashada Dadweyne oo keliya waxaa socda Gaadiidka fasaxa u haysta ee adeeggaya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ayaa dadka ugu baaqay in ay codkooda dhiibtaan maadaama 58 sano kaddib ay u tahay fursad ay heleen.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa dadka codaynaya ugu baaqay in ay raacaan nidaamka codbixinta, waxaana uu sheegay in Doorashadu ay tahay mid xor iyo xalaal ah.

Sidee ayay Degmooyinka u kala qaadanayaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee la dooranayo?

Degmooyinka ayaa loo qaybiyo labo derajo oo kala ah (A iyo B), Degmooyinka (A) oo kala ah; Hodan, Yaaqshiid, Dayniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Heliwaa, Hawlwadaag & Warta Nabadda, ayaa yeelan doona 27 Xildhibaa, sida ku xusan xeerka doorashooyinka.

Halka Degmooyinka (B) oo kala ah Waaberi, Shibis, Xamar-jajab, Boondheere, Xamar-weyne, Cabdicasiis & Shangaani, waxa ay yeelan doonaan 21 Xildhibaan.

Doorashadaan oo ay ku hardamayaan 20 Urur Siyaasadeed ayaa Muqdisho ka waday maalmihii u dambeeyey olole ay codbixiyaasha uga dalbanayaan sidii ay u siin lahaayeen codkooda.

Sida qorshaha uu yahay 6:00 maqribnimo ayaa la qorsheeyay in ay soo idlaato codbixinta, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here