spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Shaqada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo hakad u gashay.

Shaqada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo hakad u gashay.

0
12

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Shaqaale katirsan kuwa ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaqo joojin ka sameeyay garoonkaas kaddib markii ay sheegeen in qaar kamid ah dadkii ay wada shaqaynayeen ay erisay Shirkadda Favori.

Dibadbax kooban ayay ka dhigeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo farageliso waxa ay isku hayaan iyaga iyo shirkadda Favori.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, shaqaalaha la eryay ayaa Magacyadooda iyo nambarada aqoonsiga ay ku shaqeeyaan la shaaciyay, waxa ay tiradoodu gaaraysaa ilaa 15 qof sida ilahaas ay ku warrameen.

Muuqaallo laga soo duubay oo lasoo geliyay baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday shaqaale xiran dharka gaarka u ah shirkadda Favori oo aanay wax shaqo ah hayn, tani waxa ay muujineysaa gadoodka ay sameeyeen.

Ma jiro war kasoo baxay maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho iyo shirkadda Favori oo muddo gacanta ku haysa maamulidda Garoonkaan maadaama shaqaalahaan ay ka cabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here