Isniin, 28 Jully 2025 {HMC}Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii AS ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.
Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.
Shariif Sheekh wuxuu sheegay in weerarrada ceynkan ah ay yihiin caddayn buuxda oo muujinaysa dayaca dhanka amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ka dhega fureysteen talooyin muhiim ah oo la siiyay.
“Waxaa muuqata dayac iyo halis taabanaysa amniga qaranka, isla markaana madaxda dowladu ay dhegaha ka xirteen tallooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri.






