Axad 28 Sep 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha madasha samatabixinta mucaaradka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu yiri”
“Waxaa nasiib darro ah inay wali sii socdaan xariga sharci darrada ah iyo cabburinta bulshada caasimadda, waxaana codkeyga ku biirinayaa in si deg-deg ah loo sii daayo haweenka iyo dhalinyarada Ciidamada Boolisku maanta ay ka xireen xaafada Horseed ee Degmada Hodan xili ay muujinayeen dareenkooda ku aadan barakicinta sharci darrada ah.
Cabashada shacabku waa dareen bulsho oo ay tahay in si dhab ah ay dowladu u wajahdo mana ahan wax u wanaagsan dowlanimada, xasilloonida iyo ammaanka in looga jawaabo codka shacabka xarig iyo cabburin waana arrinta mar walba aan ka digayno”






