Khamiis 5 March 2026 {HMC} Dowladda Shiinaha ayaa ergay u diri doono Bariga Dhexe si uu u dhex dhexaadiyo Xiisada israaiil Mareykanka iyo Iiraan.
Shiinaha ayaa u diri doona ergay gaar ah Bariga Dhexe si uu uga shaqeeyo dhexdhexaadin, sida uu Arbacadii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wang Yi markii uu la hadlay dhiggiisa dalalka Saudi Arabia iyo United Arab Emirates, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaraddiisa. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo xiisadda ka taagan gobolka ay sii kordheyso.
Shiinaha wuxuu sidoo kale ku ammaanay Sacuudi Carabiya xakameynta iyo ku adkeysiga ay ku dooneyso in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed, sida lagu sheegay in Wang Yi uu ku yiri wicitaan telefoon oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.



