Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Shiinaha ayaa maanta billaabay dhoolatus Militari oo uu ku hareereeyay Taiwan, waxa uu isugu jiray Mid dhulka ah, Badda ah iyo dhanka Cirka, waxaana arrintaan lagu qalqalgeliyay Maamulka doonaya in uu gooni istaag helo.
Xukuumadda Beijing ayaa tallaabadaan ku sifaysay mid dib loogu soo celinayo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha isla markaana looga hortagayo faragelinta gudaha iyo dibadda dalkiisa lagu hayo.
Waxa uu Shiinaha dhegaha ugu shubay Taiwan in haddii ay qaaddo tallaabo ka dhan ah Ciidankaan Dhoolatuska samaynaya in ay lama arkaan ka dhigi doonto Jasiiradda ay ka kooban tahay maadaama dalalka qaar ay ugu baaqeen in ay difaac sameeyaan.
Shiinaha ayaa intaas ku daray in uu doonayo ilaalinta Madaxbannaanida, Midnimada iyo Wadajirkiisa, sidaas awgeed dal weliba oo isku daya in uu farageliyo meel saarayo sida ay sheegtay Xukuumadda Beijing.






