spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Shiinaha Oo War Kasoo Saaray Caleema-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Shiinaha Oo War Kasoo Saaray Caleema-saarka Madaxweyne Firdhiye.

0
19

Sabti 17 June 2026 {HMC}  Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay rajada iyo hambalyada ay u direyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda caleemo-saarkaas guuleystay awgeed.

Safaaraddu waxay sheegtay inay si gaar ah ugu hambalyaysay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cal ee la caleema saarkiisu ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here