Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

0
114

isniin 8, April ,2024 {HMC} Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ka dhacay shil diyaaradeed, kaddib markii mid kamid ah diyaaradaha uu u bixi waayeen lugaha.

Diyaarada shirkadda Salam Airline ayaa la sheegay in xilli ay garoonka kasoo dageysay ay u bixi waayeen lugaha, waxaana markii dambe diyaarada ku degtay garoonka halkaas oo khasaaro kusoo gaaray.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana si deg deg ah loogu gurmaday rakaabkii saarnaa diyaarada shilka gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here