spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya.

0
9

Sabti  14 Feb 2026 {HMC} Magaalada Addis Ababa waxaa ka furmay meertada 39aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika oo sanadkiiba mar qabsooma, waxaa daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo si qotodheer uga hadlay ajanaha miiska saaran.

Shirka waxaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Isbaddelka Cimillada, Midnimada & sidii loo sii wadi lahaa wadashaqaynta ka dhex jirta Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ee Addis Ababa intooda badan ku sugan.

Arrimaha Amniga hoos imaanaya waxaa kamid ah Dagaallada iyo Colaadaha ka jira Dalal kala duwan oo Afrika ah, waxaa la iswaydiinayaa sida ay madaxdaan u waji karaan in xal waara loo helo dagaalladaas sokeeye oo qaaraddaan dib u dhigay.

Horumarka dhaqaalaha waa meesha indhaha lagu hayo, Afrika ayaa doonaysa in ay xoogga saarto hirgelinta aagga Ganacsiga ee Xorta ah si Dalal badan ay u helaan fursado maalgashi iyo in ay horumar muuqda samayn karaan.

Isbaddelka Cimillada, tani waxaa caqabadda ugu darran ee sababta Abaaraha, Barakaca iyo caafimad darrada, Madaxda madasha ku sugan oo horay uga qaybgalay shirar meelo kala duwna ka dhacay oo looga hadlay arrintaas ayaa khudbado ka jeedinaya meertada 39aad.

Gunaanadka waxaa lagu wadaa in diiradda la saaro sidii loo midayn lahaa mowqifka Afrika ee Arrimaha Caalamiga ah, ka gudubka dhibaatooyinka taagan, dardargelinta qorshaha horumarineed iyo dhaqangelinta waxyaabaha lagu ballamo.

La soco wixii kasoo kordha Hiiraanweyn

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here