spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Shirka Amniga G/kalbeed oo lagu qabtay Baydhabo.

Shirka Amniga G/kalbeed oo lagu qabtay Baydhabo.

0
14

Wednesday November 19, 2025 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo diiradda lagu saaray Arrimo Muhiim ah oo ku saabsan Maamulka iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u Ansixiyeen Miisaaniyadda Koonfur Galbeed ee sanadka soo socda. Miisaaniyaddan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo Adeegyada Dowladnimo kor loogu qaado Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo dib u dhiska kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Sido kale Wasiirka Qorshaynta ayaa Golaha Wasiirada la Wadaagay Qorsha Howleedka Shanta sano ee soo socda ee ay Diyaarisay Wasaarada kuwaas oo ay kamid yihiin Siyaasada loo dhanyahay, Isbeddel Dhaqaale oo Waara, Hormarinta Bulshada , Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta iyo dib u eegista miisaaniyadda, isaga oo ku boorriyey in la dardar-geliyo hirgelinta qorshayaasha ku jira miisaaniyadda cusub si shacabka Koonfur Galbeed ay uga faa’iideystaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey arrimo la xiriira amniga, qorsheyaasha horumarineed, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here