Sabti 17 jun 2026 {HMC} Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland, oo ay ka qeybgaleen Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxtooyada.
Kulanka ayaa looga hadlay Amniga iyo Difaaca Puntland, iyadoo Ciidanka lagu boggaadiyey Hawlgalkii Hillaac ee Calmiskaad ee dhammaadka maraya iyo Diyaar-garowgooda Halwgalka Onkod ee Calmadow oo isna bilowmaya.






