Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Shir ay mucaaradku ku lahaayeen magaalada Kismaayo ayaa wajahaya hoos-u-dhac ka qeybgal iyo caqabado dhaqaale, kaddib markii la hakiyey taageero la filayay in ay ka timaaddo Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Hmc Somalia oo xiganaysa xubno ka tirsan Baarlamaanka oo qaybgali lahaa shirka Kismaayo.
Imaaraadku Carabta ayaa horey u muujiyay diyaar garow uu ku taageerayo shirka Kismaayo dhinaca dhaqaalaha.
Hase yeeshee, wada-hadallo iyo isfahan la sheegay in ay dhexmareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horseeday in maalgelinta la filayay ay istaagto.
Go’aanka Imaaraadka ayaa si toos ah u saamaysay qabanqaabada shirka, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu mucaaradka ku wargeliyay in uusan awood u lahayn bixinta kharashaadka safarka iyo deggenaanshaha dhammaan ka qeybgalayaasha Kismaayo imanaya.
Sidaa darteed, qof kasta oo shirka ka qeybgalaya ayaa lagu wargeliyay inuu iskiis u daboolo kharashaadkiisa.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu qaadan doono qarashka daganaasha dadka la casuumay qaarkood balse mucaaradku ay hoos u dhigaan dadka ay casuumayaan iyo in meesha laga saaro dhamaan dadka ka qaybgalkooda laga maarmi karo oo markii hore la qorsheeyay la geeyo Kismaayo.
Dadkaas waxaa ka mid ah xubmo ka tirsan bulshada Rayidka, aqoonyahano, odoyaal dhaqameed iyo guddi ka socda dadka ka cabanaya dhul boobka DFS.
Go’aankaas ayaa sababay in tiradii la filayay inay shirka xaadiraan ay hoos u dhacdo, maadaama caqabado dhaqaale ay soo food saareen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka.
Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa in uu xiriir la leeyahay dhamaan dhunacyada isku haaya siyaasada Soomaaliya isagoo kala ilaaliya in ay isku soo dhawaadaan.



