Shirka looga Hadlaayo Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho Lagu qabtay.

0
21

Isniin Dec 15, 2025 {HMC} Xafiiska Amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey shir ay ka soo qayb galeen madaxda xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), saaxiibadda caalamiga ah, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Gaashandhiga, Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka shirka ayaa salka ku hayay sidii loo soo xoojin lahaa taageerada iyo garab istaaga Sanduuqa Kalsoonida Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed (Somali Security Forces Trust Fund).

Wakiiladda UNSOS, AUSSOM iyo saaxiibaddii kale ee ka qayb galay shirka oo hadalo ka jeediyay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin is-beddalada deg deg ah ee ku yimid xoojinta Amniga iyo gaarsiinta deegaanada laga saarayay kooxaha Argagaxisada addeegyada muhiim-ka ah ee dowladda.

Saraakiil u hadashey Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka waramay howlaha hor-tabinta leh ee ciidanka iyo mamulkooda u qabsoomey waxayna hoos ka xariiqeen inay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo taageerada Sanduuqa Kalsoonida Ciidamada Ammaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliyeed Danjire Aweys Xaaji Yusuf Axmed oo shirka soo xiray ayaa marka hore uga mahad celiyay ka soo qayb galayaasha sida wanaagsan ee ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ka garab siinta horumarinta Ciidanka Qalabka Sida, wuxuuna tilmaamey iney muhiim tahay xoojinta sidii loo sii taageeri lahaa Sanduuqa Horumarinta Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida.

“Doodihii maanta waxay mar kale xaqiijiyeen in iskaashi, daahfurnaan, iyo is-ixtiraam wadajir ah aan ku gaari karno horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Sanduuqa Kalsoonidu wuxuu yahay tiir muhiim u ah dadaalladeenna, isagoo hubinaya in kheyraadka si hufan loo qaybiyo isla markaana aan diiradda saarno mudnaanta siinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagaxisada ah iyo kor u qaadista adeegyada bulshada goobihii kooxahaa laga xoreeyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here