Shirkadaha Israa’iil ee ku dhawaaqay heshiis ganacsi ay la galaan Somaliland

0
11

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, laba shirkadood oo Israa’iili ah oo kala ah VisiRight iyo Amore Capital, ayaa ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa’iil ee doonaya inay galaan suuqa jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Hindisahan ayaa imanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa’iil siisay somaliland, tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka isla markaana iftiimisay fursado dhaqaale oo cusub oo ka curtay gobolka.

VisiRight iyo Amore Capital waxay qorsheynayaan inay ka caawiyaan shirkadaha Israa’iil, kuwaasoo u dhexeeya shirkadaha ka shaqeeya kaabayaasha dhaqaale iyo guryaha illaa shirkadaha cusub ee ku takhasusay maaraynta biyaha, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo teknoolojiyada casriga ah, inay si wanaagsan u dhex galaan suuqa Somaliland.

Iskaashiga ayaa looga gol leeyahay ama higsanayaa fududeynta xiriirada hay’adaha dawladda, maamulayaasha, iyo ganacsatada maxalliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here