spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Shirkadda bixisa tigidhada raqiiska oo duulimaad ka bilaabeyso Soomaaliya.

Shirkadda bixisa tigidhada raqiiska oo duulimaad ka bilaabeyso Soomaaliya.

0
18

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Shirkadda bixisa tigidyada raqiiska ah oo ay leedahay dawladda Cumaan ee SalamAir ayaa ku dhawaaqday inay duulimaadyo toos ah oo toddobadii labo mar ah (Axad iyo Khamiis) oo billaabanaya 3 bisha September ee sannadkan 2026, ku tagayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho,

iyadoo tigidyada duulimaadka Muqdisho iyo Muscat uu ka billaabanayo in lagu iibsado labo boqol iyo siddeed dollar ($208), tallaabo lagu sheegay in lagu xoojinayo isku xirka labada dal, halka sidoo kale duulimaadkan qiimaha jaban uu fursad socdaal siinayo ganacsatada isaga kala goosha khaliijka iyo qurba-joogta Soomaaliyeed oo helaya duulimaad jaban.

Soomaaliya waxay noqonaysaa waddankii afraad ee Afrika ah oo ay SalamAir gaarto. Shirkaddu waxay hadda ka howlgashaa in ka badan 40 meelood oo ku kala yaalla Aasiya, Afrika iyo Yurub.

Maamulaha guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu ka tarjumayo koboca dhaqaale ee ka socda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray;

“Soomaaliya sannadihii u dambeeyay waxay sameynaysay koboc iyo horumar dhaqaale oo muuqda. Duulimaadyadeenna tooska ah waxay sii xoojin doonaan dhaqaalaha, waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo ganacsi iyo safar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here