Axad 13,July ,2025 {HMC} Magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir waynaha dhammeystirka Maamulka SSC Khaatumo.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona Madaxa sare oo ka kala tirsa Dowladda Federaalka, Maamulka SSC Khaatumo, Hoggaanka Dhaqanka iyo qeybaha Bulshada.
Sida guddiga qaban qaabada shirka ayaa diirada lagu saari doona bannaanka dhammeystirka sharciyada maamulka SSC Khaatumo iyo jiheynta siyaadda dowlad goboleedka cusub.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Laascaanood ka socday kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo looga hadlayo howlaha shirka iyo qabsoomidiisa.
Waxaa jira qaar kamid ah hoggaanka Dhaqanka ka horyimid howlaha qabashada Shirwaynaha, kuwaasi oo sheegay in aan la tashiyo laga sameyn.
Dowladda Federaalka ayaa hore ugu dhawaaqday in ay tixgalineyso howlaha lagu dhisayo maamul ay yeeshaan deegaannada SSC Khaatumo.



