Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga , Axmet Daa’uud Ooglu ayaa daaha kaqaaday iskuday uu Ingiriiska ,sannadkii 2012 ku doonayay in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya.
markaa oo Ingiriiska uu sheegay inay bixiyeen dadaal lagu qancinayo diblomaasiyiin reer Yurub iyo Afrikaan ah inay aqoonsadaan Somaliland, balse wuxuu sheegay inuu iskudaygaa si shaqsi ah uga hortagay.
Ooglu, ayaa intaa ku daray intii uu socday shirkii London ka dhacay sannadkii 2012,inuu si toos ah ugu sheegay xog-hayihii arrimaha dibadda Ingiriiska , William Hague; “ Annagu waxaan Soomaaliya u keeneynaa xasillooni, idinkuna waxaad isku dayaysaan inaad kala qeybisaaan.”
Wuxuu intaas ku daray in haddii Ingiriiska uu aad ugu adkeysanayso aqoonsiga dal, “marka hore aqoonsada Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubruska Waqooyi, kaddib ayaana ka wada hadli karnaa Somaliland.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu markii dambe isku keenay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland magaalada Ankara, si loo xoojiyo wada hadal iyo midnimo, taasoo uu ku adkeeyay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu mar walba ku saleysnaa ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka.






