Sirdoonka Maraykanka oo arrin la yaab leh ka sheegay hoggaanka Iiran

0
8

Axad 15 March 2026 {HMC} Warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in Sirdoonka Maraykanka sheegay in hoggaanka Iiraan weli si weyn u taagan yahay oo aanu halis ugu jirin inuu burburo wakhti dhow, inkastoo ku dhowaad laba toddobaad oo duqayn joogto ah ay ku hayeen Maraykanka iyo Israa’iil, sida ay sheegeen saddex ilo oo arrintaas la socda.

“Ilo sirdoon oo badan” ayaa bixiyay “falanqayn joogto ah oo muujinaysa in nidaamku uusan khatar ku jirin” inuu burburo isla markaana uu “wali gacanta ku hayo shacabka Iiraan,” ayuu yidhi mid ka mid ah ilaha, kuwaas oo dhammaantood loo oggolaaday si qarsoodi ah inay uga hadlaan warbixinaha sirdoonka Maraykanka. Warbixintii ugu dambaysay ayaa la dhammaystiray maalmo yar gudahood, ayay sheegtay ishaashi.

Iyadoo cadaadiska siyaasadeed uu sii kordhayo sababo la xidhiidha kororka qiimaha saliidda, Madaxweyne Donald Trump ayaa soo jeediyay inuu “dhowaan” soo afjari doono hawlgalkii militari ee ugu weynaa ee Maraykanku sameeyo tan iyo 2003. Hase yeeshee, helidda dhammaad la aqbali karo oo dagaalka ah waxay noqon kartaa mid adag haddii hoggaamiyeyaasha adag ee Iiraan ay weli si xooggan ugu sii nagaadaan awoodda.

Warbixinaha sirdoonku waxay muujinayaan isku duubnida hoggaanka culimada Iiraan inkastoo la dilay Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei 28-kii Febraayo, oo ahayd maalintii ugu horreysay ee duqaymaha Maraykanka iyo Israa’iil.

Mas’uuliyiin Israa’iili ah oo wada-hadallo qarsoodi ah yeeshay ayaa sidoo kale qiray in aanay jirin wax hubanti ah oo muujinaya in dagaalku sababi doono burburka dowladda Iraan, sida uu Reuters u sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah. Ilahaasi waxay carrabka ku adkeeyeen in xaaladda dhulka ay si joogto ah isu beddelayso isla markaana isbeddello ka dhici karaan gudaha Iiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here