Sirdoonka Ruushka iyo Iiraan oo Baadi goobaayo Hubkii lagu dilay Hogaamiyihii Xisbullah.

0
27

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa oggaatay in Ruushka iyo Iiraan ay sirdoon badan iyo injineero milatari ku daadiyeen koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan, iyagoo baadi goobaya hal shey oo ah bambo aan qarxin ee nooca GBU-39 oo Mareykanka uu soo saaro oo ka mid ah bambooyinka ay Israa’iil u adeegsatay weerarrada ay ku beegsanaysay hoggaamiyeyaasha Xisbullah , taa oo awood u leh dhulka inay masaafo dheer hoos u gasho, isla markaana burburin karta dhismayaasha adag, waxayna ka raadinayaan si Ruushka iyo Iiraan labadaba awood ugu yeeshaan inay soo saari karaan bambo la mid ah.

Mareykanka wuxuu billaabay inuu ku cadaadiyo dawladda Lubnaan inay raadiso bambada aan qarxin ka hor inta aysan helin Ruushka iyo Iiraan, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.

Laakin waxaa dhacay in isla markiiba warkan uu soo baxay laga sii daayay telefishinka Ruushka ee RT , muuqaal muujinaya sida ay bambadan u shaqeyso, ma cadda haddii tan uu Ruushka ku soo bandhigayo inay yihiin kuwa la socda xaaladda bamkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here