Khamiis 23, Oct 2025 {HMC} Sirdoonka Shiinaha ayaa oggaaday wada shaqeyn qarsoodi ah oo dhexmartay Israaiil iyo jasiiradda Taiwan, iyadoo iskaashigan uu la xiriira dhismaha nidaamyada difaaca oo ay Israaiil doonayso inay gacan ku siiso Taiwan, waxayna la wadaagaysa khibrada dagaalka ay ku jirtay labadii sanno ee u dambeysay , sida uu weriyey Intelligence Online.
Tallaabadan waxaa la sheegay inay ka caraysiisay Shiinaha oo hadda Israa|l ku daraya safka cadowgiisa gacan ka geysanaya dhismaha awoodda difaaca iyo milatari ee Taiwan.






