spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Sirdoonka Turkiga oo burburisay unug ka tirsan Sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Sirdoonka Turkiga oo burburisay unug ka tirsan Sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

0
9

Jimco 6 Feb 2026 {HMC} Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa shaacisay inay burburisay unug ka tirsan hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ka howlgalayay gudaha Turkiga , kuwaasoo ka koobnaa laba qof.

Mid ka mid ah eedeysanayaasha waa muwaadin asal Turki ah oo lagu magacaabo Mohammed Budak, halka kan kalena uu yahay qof asal ahaan Falastiini ah balse haysta dhalashada Turkiga, Faisal Karimoglu.

Sida ay muujinayaan baaritaannada, Mossad ayaa labadan qof qortay sannadkii 2012, kaddib sanado kormeer iyo daba-gal ah. Waxay sidoo kale la kulmeen saraakiil Mossad ah , kulamo ka dhacay laba dal oo mid Yurub ah iyo mid Aasiya ah, halkaas oo lagu marsiiyay baaritaanno ay ka mid tahay qalabka been-sheegga (polygraph).

Baaritaanku wuxuu daaha ka qaaday in labadan qof ay isku dayeen inay qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) u iibiyaan Mohamed Zouari, injineerkii ka tirsanaa garabka hubaysan ee ururka iska caabinta Falastiiniyiinta ee Qasaam oo lagu dilay Tuuniisiya 2016, iyagoo adeegsanaya tijaabooyin (samples) ay siisay Mossad. Ujeeddadu waxay ahayd in la abuuro xiriir ganacsi ka hor dilkiisa.

Sidoo kale, eedeysanayaashu waxay ururiyeen xog ku saabsan shakhsiyaad Falastiini ah oo Israa’iil ka soo horjeeda kuna sugan Turkiga.

Intaas waxaa dheer, baaritaanku wuxuu muujiyay in Mossad ay diyaarinaysay hawlgal ballaaran, iyadoo labadan qof ka taageerayeen dhismaha saddex shirkadood oo been-abuur ah oo dibadda laga diiwaangeliyay.

Shirkadahaas ayaa la qorsheeyay inay iibsadaan alaabo dalal gaar ah, kadibna u sii maraan saddex shirkadood oo xarumo ku leh Aasiya, si loo gaarsiiyo isticmaalaha ugu dambeeya oo ah bartilmaameed ay doonaysay Israa’iil inay beegsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here