Khamiis 23-Jun 2026 {HMC} Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Ayaa Magaalada Baladweyne ku soo gabagabeysay Tababar socday Mudo Sadax Maalin ah.
Tababarkan oo ay ka faaideysteen in kabadan 30 qof oo iskugu jiro saxafiyiint Ururada Bulshada Maamulka iyo Booliska ayaa waxaa uu ku saabsanaa Awood-dhisidda Saxafiyiinta ee la socodka, Warbixinada iyo Xorriyadda Hadalka ee Xuquuqda Aadanaha.
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid Cabdi nuuriyow ayaa daah furay Tababarkan, waxaana Wariyaasha iyo Ururada Bulshada rayadka ah ee Tababarka qaadanayo ugu baaqay in ay ka faa’ideeystaan Cashirada iyo talooyinka muhiimka ah ee Halkan lagu siinaayo.
“Waxaan diyaar u nahay in aan ka maamulka Gobolka Hiiraan ahaan aan ilaalino Xaquuqda aadanaha iyo xuriyada hadalka si ay meesha uga baxdo tacadiyada ay la kulmaan warbaahinta, xuriyada waa qodob Dastuuri ah oo qof walboo soomaali ahna u furan” ayuu yiri” Gudoomiye Cabdiwaajid.
Qaar kamid ah Saxafiyiintii ka faa”ideystay Tababarkan ayaa ku tilmaamay mid waxbadan ay ka barteen mudadii uu sadaxda maalin aheyd ee uu socday, isla markaana ay hada yihiin kuwa dhiiran oo dhiig cusub ka helay tababarkan maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne.
“waxaan maanta fursad u helnay in aan si toos ah aan ula doodno Maamulka bulshada rayadka iyo Booliska oo aan la garnaqsano islamarkaana aan si toos ah uga doodno xadgudubyadii loo geystay saxafiyiinta ka howlgalo Magaalada Baladweyne, Ayuu yiri” Cabdiqani Cosoble.
Sahro ibraahin Cabdi oo kamid ah Saxafiyiinta ka howlgalo Magaalada Baladweyne oo ka hadleysay waxyaabihii ay ka faaiday ayaa sheegtay in markii ay tababarkaan qaadadatay ay waxbadan iska badaleen shaqadii ay haysay, waxaana aya u mahadcelisay Xafiiska Qaramada Midoobay oo suurta giliyay in ay si toos ah dood ula yeeshaan Maamulka iyo Booliska.
Tababarkan ayaa waxaa soo agaasintay Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA oo gacan ka heleyso Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.




