Somalia oo bilowday xeelad kale oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland?

0
52

Arbaco  27 , Aug 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa Mareykanka ka raadinaysa Macaamil ka ganacsata shidaalka weli dhulka hoostiisa ku jira ee aan la soo saarin.

Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa sheegtay in magaalada Houston ee gobolka Texas uu maanta ka furmay “fursad cusub” oo lagu sii xoojinayo wadahadallada iyo iskaashiga shirkadaha tamarta Mareykanka iyo Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saartay Safaaradu ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iskaashi dhinaca batroolka iyo gaaska ah, isla markaana ay aaminsan tahay mustaqbal ku dhisan ganacsi iyo maalgelin wadaag ah.

Wasiirka Badroolka Soomaaliya Dahir Shire Maxamed ayaa hogaaminaya wafdiga Soomaaliya ee shirka caalamiga ah uga qaybgalaya Maraykanka.

Tani waa xeelad cusub oo ay Dowladda Soomaaliya rabto in ay Mareykanka uga jeediso Somaliland taas badalkeeda uu la macaamilo Soomaaliweyn danaha uu leeyahayna ka fushado.

Lama oga in ay shaqayn doonto iyo in kale balse waxaa muuqata in markaan DFS ay tab iyo xeelad wixii ay taqaanay iskugu geynayso sidii loo baajin lahaa Aqoonsi laga yaabo Inuu ku yimaado sifo aan la filaynin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here