Talaado, 18 Aug 2025 {HMC} Somaliland ayaa weli ku taamaysa soo celinta Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool oo haatan uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari, oo ka dhashay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo.
“Somaliland xuduudkeeda wey soo xidhi doontaa. Waxaana leeyahay dadka jooga Laascaanood Hargeysa ayaa idinka dhow Xamar, Hargeysa wax wada leedihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
“Shacabka Sool-Barina waa reer Somaliland, waxaanu leenahay Sool-Barina kama maaranto Somaliland. Somaliland waqtiga ku munaasabka ah nabadeeda iyo xuduudkeeda way sugi doonta,” ayuu yiri Cirro.
Inkastoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aysan cidna duulaan ku aheyn, balse wuxuu si cad u sheegay in ay difaacayaan Somaliland iyo dadkeeda wax walba oo ay ku kaceyso.
“Shacabka reer Sanaag waxaa ugu baaqnay gogol nabadgalyo, waana laga soo wada jawaabay gogoshaas, Insha Allah dhaqso ayaa loo qabanayaa gogogaashi oo nabadgelyada dalkana waa la dhameystirayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Si kastaba, Somaliland oo si adag uga hortimid maamulka cusub ee laga dhisay Laascaanood ayaa horey wakiilada beesha caalamka ugu baaqday inay isha ku hayaan arrimaha kasoo kordhay Sool iyo Sanaag oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna hurinayo colaad hor leh.



