Sabti 02 August 2025 {HMC} Maamulka Soomaaliland ayaa sharci darro ku tilmaantay maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in gobolladaasi ay qayb ka yihiin dhulka Somaliland.
Kulan aan caadi ahayn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray go’aamo ka dhan ah maamulka cusub, iyadoo la sheegay in gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer ay ka mid ahaayeen gobolladii lagu aasaasay Soomaaliland.
Go’aanka golaha waxa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrimo doorasho uga faa’iidaysanayso dhismaha maamulka cusub, isla markaana ay hubkii iyo deeqihii beesha caalamku siisay u adeegsanayso sidii ay colaad uga hurin lahayd gobollada Sool iyo Sanaag.
Golaha Wasiirradu waxa uu sheegay in Sool, Sanaag iyo Togdheer ay yihiin qayb aan la kala qaadi karin oo kamid ah dhulka Somaliland, islamarkaana dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay si xor ah uga qayb qaateen dhismaha Soomaaliland, isla markaana ay ka mid ahaayeen dadkii codkooda dhiibtay aftidii lagu asaasay Soomaaliland.
“Xukuumadda waxa ka go’an inay la gasho dadkeeda ku nool Sool-Bari wadahadal lagu raadinayo xal nabadeed, oo lagu soo afjaro colaadaha iyo tabashooyinka ka jira magaalada Laascaanood. Sidoo kale, horumar wanaagsan ayay ka gaadhay nabadaynta dadka walaalaha ah ee gobolka Sanaag,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.
Dhinaca kale, goluhu waxa uu sheegay in cunaqabatayntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya ay sabab u noqontay colaado hor leh, isagoo sheegay inay suurto gal tahay in hubkaasi galo gacanta kooxaha xagjirka ah.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in Soomaaliland diyaar u tahay inay isdifaacdo, isla markaana aanay marnaba ogolaan doonin in la kala qaybiyo, ama maamul cusub laga sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku hamminaya inuu si rasmi ah u gaadho gobollada Sool, Sanaag iyo qaybo kamid ah Togdheer. Dhankiisa, maamulka Puntland ayaa dhaleeceeyay aasaaska maamulka cusub, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad u taageertay, iyada oo muujisay garab istaag buuxa.
Maamulka cusub ayaa soo baxay kaddib markii ciidamada Soomaaliland laga saaray magaalada Laascaanood sannadkii 2023.
Iyada oo dadka deegaanka oo ay hoggaaminayaan isimada dhaqanku ay goosteen in ay dhistaan maamul hoostaga dowlada federaalka.






