SONSA: ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha wadahadal ee ay fidisay Dowladda Soomaaliya

0
23

Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA (Somalia Non-State Actors) ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha wadahadal ee ay fidisay Dowladda Federaalka , taas oo looga golleeyahay in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee muddada dheer ragaadiyay dalka.

War-saxaafadeed ay SONSA ku soo saartay magaalada Muqdisho ayay ku sheegtay in gogoshan wadahadal ay jawaab u tahay soo-jeedintii ka timid Golaha Samato-Bixinta Soomaaliyeed, kaddib shir ay 18-kii Diseembar 2025 ku yeesheen magaalada Kismaayo, isla markaana ay tahay fursad muhiim ah oo dib loogu midayn karo aragtida hoggaaminta dalka.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa muujisay in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan aysan kaliya caqabad ku ahayn geeddi-socodka dowlad-dhiska, balse ay sidoo kale albaab u fureen faragelin shisheeye oo sii xoogeysaneysa, taas oo khatar ku ah midnimada, madaxbannaanida iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

SONSA waxay sidoo kale walaac xooggan ka muujisay jihada uu ku socdo dib-u-dhiska dowladnimada, iyadoo tilmaantay in weli aan si dhab ah loo xallin caqabadaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee hortaagan xasilloonida dalka.

Waxay intaa ku dartay in hoos u dhaca ku yimid ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah uu sii kordhiyay xadgudubyada iyo faragelinta ay sameeyaan dalalka awoodda leh.

War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u taabtay saameynta taban ee khilaafaadka siyaasadeed ku yeesheen dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka rajo beelay mustaqbalka dalkooda, isla markaana boqollaal ka mid ah ay naftooda ku waayeen badaha Mediterranean-ka iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay gudaha dalka ka waayeen.

Dalladda Bulshada Rayidka ayaa si cad u sheegtay in dhibaatooyinka dhabta ah ee ka jira Soomaaliya aan lagu xallin karin in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ay taageero iyo dano ka raadsadaan dalal shisheeye, balse loo baahan yahay xal Soomaaliyeed oo ku dhisan wadahadal iyo is-afgarad qaran.

SONSA waxay ugu baaqday hoggaanka dalka in gogosha wadahadalka laga dhigo mid aan lagu xirin wax shuruudo ah, isla markaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u martigeliyo wadahadalka ay dalbatay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo lagu saleynayo natiijooyinkii ka soo baxay gogoshii hore ee 2025.

Ugu dambeyn, Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku baaqday in wadahadallada diiradda lagu saaro xal waara oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka iyo dhammeystirka Dastuurka, isla markaana hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ay muujiyaan tanaasul, xilkasnimo iyo mas’uuliyad qaran si dalka looga badbaadiyo khilaaf hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here