Soomaali laga soo tarxiilay Sweden iyo cabsi qabo in kuwa horleh laga masaafuriyo.

0
64

Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Walaac xooggan ayaa soo food saaray jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Sweden kaddib markii dawladda dalkaasi ay si rasmi ah u dhaqangelisay tarxiilidda tiro ka mid ah Soomaalida oo lagu celiyay dalkooda.

Dhawaan ayay ahayd markii tiro gaadhaysa 8 qof oo Soomaali ah loo dhoofiyay dalka Soomaaliya. Waxaana hadda jira warar sheegaya in 15 kale oo ku jira xabsiyda dalkaas loo diyaarinayo in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sida BBC u sheegay Yoonis Khaliif oo xubin ka ah Ururka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sweden.

“Waa arrin muddo dheer soo jiitamaysay oo dawladda cusub ee Sweden ay ku doonaysay in ay dib ugu celiso dadka Soomaalida ah ee waddanka ku nool. Dadkaasi waxay isugu jiraan qaar loo diiday in loo cusboonaysiiyo sharciyada iyo kuwo muddo u dhaxaysa saddex ilaa toban sano magangalyo ka raadinayay dalkan.”

Yoonis Khaliif oo sheegay in uu la kulmay qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee tarxiil-sugayaasha ah ayaa sheegay in todobaadkan ay ballan la leeyihiin safaaradda Soomaaliya ay dalkaasi ku leedahay si ay hawlan uga la hadlaaan. Waxa kale oo intaasi raaciyay in dawladda Sweden qudheeda ay arrintan kala hadleen.

“Dawladda Sweden waan kala hadalnay. Xukuumaddii tan ka horraysay waxay ahayd mid u dhega-nugul Soomaalida. Hadda se, midda xukunka haysa waxa ay u muuqataa mid u janjeedha nacaybka soogalootiga. Jaaliyad ahaan waan la xidhiidhnay bal se noo ma aanay suurtagelin in ay dib u dhigaan tarxiilka dadkan. Qofku haddii uu dambiile yahay cidna ka ma difaaci karto in la celiyo waxa se hadda muuqata dad waayeel ah, carruur iyo dhallinyaro ay qaar badan oo ka mid ah shaqeeyaan dalkana cashuur soogeliyaan loo diido in sharciyada loo cusboonaysiiyo.”

Walaaca laga qabo in Soomaali kale la tarxiilo

Iyada oo lagu wado in todobaadada soo socda ay dalka Soomaaliya gaadhaan tiro qaxooti Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalkaasi ayaa waxa isa soo taraya walaaca ay qabaan dadkaasi ee ku aaddan in ay ku laabtaan dhibaato la mi dha middii ay ka soo carareen muddo dheer kaddib.

Yoonis oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan og nahay in weli Soomaaliya ay dadku ka soo qaxayaan. Ma jirto xasillooni -siyaasadeed. Waxaanan og nahay in xagjiriitu ay qabsanayaan dhul hor leh. Walaaca aan qabno waxa weeye in dhallinyarta dalkii lagu celinayo ay halis ugu jiraan ku biirista mintidiinta. Maxaa yeelay dalkii waxaan og nahay in aanay shaqo ka jirin. Waa dad soo rafaaday oo saxaraha ka soo gudbay markii ay yimaaddaan goob ay xasilooni ku dareemayaanna la rabo in dhibaatadii lagu celiyo. Waa arrin u baahan in ay dawladda Soomaaliya ay ka fiirsato.”

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here